$left
$middle

Waxbaridda afka hooyo ee dugsiyada

Ilmaha iyo dhallinyarada dhigta sannad-dugsiyeedka 1–9 oo leh waalid afkiisa hooyo uusan ahayn afiswiidish, waxay fursad u leeyihiin waxbaridda afka hooyo. Ilmaha dhigta fasalka dugsiga xannaanadda waxay waxbaridda afka hooyo heli karaan oo keliya luqadaha dadka dalka Iswiidan ee laga tiro badan
yahay ay ku hadlaan (minoritetsspråken).

Waxbaridda afka hooyo lama badbardhigi karo waxbaridda luqad-labaad ahaan (biloowga cusub ee luqadda). Ubadkaaga sidii uu ku helo waxbaridda afka hooyo waa in uu aqoon aasaasi ah u leeyahay afka hooyo. Aqoon aasaasi waxaa loola jeeda in ubadkaaga u kari karo in uu hab firfircoon ula socon karo waxbaridda, fahmi karo tilmaamaha afka fudud isla markaana uu ka qaybgeli karo wadahadal ku saabsan nolol-maalmeedyada.

Waxbaridda afka hooyo waxaa caadi ahaan la dhigaa galabnimada, oo ku beegan saacadaha iskuuldhigashada kaddib. Ka faa’idaysashada waxbaridda afka hooyo waa ikhtiyaari, laakin kaddib markii ilmaha ay billaabaan dugsi-dhigashada, way ku qasban yihiin in ay ka faa’iidaystaan waxbaridda illaa laga soo gabagabeeyo ama booska waxbarashada dib loo soo celiyo.

Ardayga dhigta sannad-dugsiyeedka 1–9:aad wuxuu heli karaa waxbaridda afka hooyo haddii

  • xilhaayeyaasha xannaanadda/waalidiinta ama mid kamid ah u afkiisa hooyo ahayn af-iswiidish
  • u aqoon aasaasi u leeyahay afkiisa hooyo
  • ardayga iyo qoyskiisa ay maalin kasta afkaas ku wada hadlaan
  • ay jirto tiro ugu yaraan ka kooban shan arday oo isla degmada degan u doonayo waxbaridda
    afka hooyo
  • la heli karo macalin ku habboon waxbaridda luqaddaas.

Nidaamkani oo ah in xubnaha qoyska ay maalin kasta ku hadlaan luqadda ma khuseeyo ilmaha la
korsado ee la kafaalo qaado. Haseyeeshee, cunugga waa in uu aqoon asaasi ah u leeyahay afka hooyo.

Xaq u yeelashada waxbaridda afka hooyo ee luqadaha dadka dalka Iswiidan ee laga tirada badan yahay

Ardayda dhigato Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe (xitaa fasalka dugsiga xannaanadda) oo ka tirsan mid kamid ah muwaadiniinta laga tirada badan yahay ee dalka Iswiidan, waxay xaq la sii adkeeyay ku leeyahiin waxbaridda afkooda hooyo. Fursadda waxbaridda noocaas ah waa in la siiyaa xitaa haddii xubnaha qoyskiisa aynan luqadda maalin kasta ku hadlin.

Maamulka magaalada Malmö waxaa waajib ku ah in waxbaridda afka hooyo ee luqadaha dadka dalka Iswiidan ee laga tirada badan yahay ku hadlaan, waa in ardayda la siiyo xitaa haddii tiradooda aynan dhamayn shan arday, laakin waa haddii la heli karo macalin xilka ku habboon. Waxbaridda afka hooyo ee luqadda dadka laga tiro badan yahay waxaa looga dhigaa sidii luqad koowaad ahaan ama luqadlabaad ahaan (biloowga cusub ee luqadda).

Codsashada waxbaridda afka hooyo

Haddii aad doonayso in ubadkaaga la siiyo fursadda waxbaridda afka hooyo, waa inaad foom ku codsataa. Kaddib markii foomka codsiga la buuxiyo waa in gacanta laga saara maamulka iskuulka. Go’aanka waxaa kaddib iska leh agaasimaha dugsiga oo qiimayn doono haddii ubadkaaga uuu xaq u leeyahay waxbaridda iyo in kale.

Kaddib markii aad codsiga soo gudbisay

Markii iskuullada ay xilliga dayrta bilaabadaan, ayaa maadaama aad tahay xilhaayeha xannaanadda/waalidka ayaa qofka macallinka afka hooyo noqon doono kula soo xiriiri doonaa, kaddib wuxuu ku wargelin doonaa saacadda iyo goobta waxbaridda. Waxaa dhici karto in ubadkaaga lagu biiriyo koox dhigato iskuulka aan ahayn iskuulka ubadkaaga. Waxtarka codsiga waxbaridda afka
hooyo wuxuu socon doonaa ilaa sannad-dugsiyeedka 9-aad, laakin markii aad doonto ayaa booska dib u soo celin kartaa.

Dib u soo celinta booska waxbaridda afka hooyo

Haddii saacadaha iyo goobta waxbaridda aynan kugu habboonayn waa inaad maamulka ku wargelisaa in booska aadan u baahnayn. Booska waad banneyn kartaa adiga oobuuxinaya foom. Kaddib markii aad foomka buuxiso gacanta ka saar maamulka iskuulka ubadkaaga.

Ulajeedada waxbaridda laga leeyahay ayaa waxay tahay in ubadkaaga uu horumariyo afkiisa hooyo. Waxbaridda waxay kale oo ubadkaaga siin doontaa fursad uu ku horumariyo aqoonsigiisa dhaqameed iyo in uu noqdo qof luqado badan ku hadla.

Faahfaahinta xiriirka

Språkcentralen

E-mailka: sprakcentralen@malmo.se

Lambarka taleefanka: 040-34 31 10

Cinwaanka boostada: Språkcentralen, Rönnblomsgatan 6A, 212 16 Malmö

Cinwaanka booqashada: Rönnblomsgatan 6A

Saacadaha booqashada: Maalmaha shaqada 07.30-16.30. Waxay xiran tahay qadada 12.00-12.30.

so