$left
$middle

Daryeel-caafimaadeedka ardayda

Ku guulaysashada dugsi-dhigashada waxay xiriir la leedahay caafimaad wanaagga iyo dugsi ka helida ardayga. Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda [Elevhälsan] wuxuu khuseeyaa dhammaan ardayda fasallada dugsiyada xannaanadda ilaa ardayda ka qalin jebiya waxbarashada dugsiyada sare, waxayna ulajeedada tahay in ardayga uu helo taageerada horumarka uu ku gaari lahaa hadafka
waxbarashada.

Dhammaan Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ee Magaalada Malmö waxay leeyihiin iskutallaabxirfadeed oo maxalli ah ee Kooxda Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda, xirfadle kasta wuxuu leeyahay mas’uuliyad gaar ah, oo uu kaalin kaga geysto karti-xirfadeed gaar ah iyo isku dabarididda xirfadyaqaannada kale ee ka hawlgala Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda [Elevhälsan], iskuullada iyo dibadda iskuullada.

Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda [Elevhälsan] ee Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ee magaalada Malmö waxay shahaadadda HBTQI [khaniis, labeeb, transgender, queer iyo intersex] ka haystaan ururka RFSL.

La taliyeha arrimaha bulshada

Hawlgallada La taliyeha arrimaha bulshada waxay ku salaysan yihiin in uu dhammaan ardayda, siiyo fursad ay ka wada siman yihiin oo ay ugu guulaystaan waxbarashada. La taliyeha arrimaha bulshada wuxuu wada shaqeyn la sameeyaa ardayda, xilhaayeyaasha xanaanada/waalidiinta, shaqaalaha iskuullada iyo haddii loo baahdo hay’ado kale, dhaqdhaqaaqyo ama ururro iyaga oo iska kaashada
baahida caawimaad ee ardayga. La taliyeha arrimaha bulshada wuxuu kaloo ardayda ka taageeri karaa hawlaha waxbarashada iyo qorshaynta guud ee Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda [Elevhälsan] iyo hawlgallada isdhexgalka xirfadleelayaasha.

Arrimaha xiriirka la leh gundhigga dhaqannoololeedka ee iskuulka iyo hawlgallada xiriirka la leh wada-sinaanshada dhinaca u la dhaqanka, iyo waxbarashada ardayda, caafimaadka, bay’adda waxbarashada, ka helidda iyo horumarinta waxay muhim u yihiin La taliyeha arrimaha bulshada.

Aqoonyahanka cilminafsiga/saykoolojist

Aqoonyahanka cilminafsiga/saykoolojistiga ee iskuulka wuxuu kaalin ka geysta aqoonta cilmiga nafsiga iyo karti-xirfadeed ku saabsan caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka ardayda.

Kuwaasoo lagu hirgeliyo iyadoo la adeegsado wadatashi, hagid iyo tababarrada shaqaalaha iyo hirgelinta xaaladbaaryo, oo ay ka mid yihiin qiimaynta horumarka arday gaar ah. Qiimaynta xaalad-nafsiyeedka waxay ardayga iyo maamulka iskuulka ka caawintaa sii fahamka kartida ardayga, awoodda iyo baahida la qabsashada bay’adda waxbarashada iyo shuruudaha.

Hawlgallada aqoonyahanka cilminafsiga/saykoolojistiga ee iskuulka waxay kaloo isagoo kaashanayo bay’adda waxbarashada, ku salaysan yihiin sare u qaadka arrimaha caafimaadka iyo kahortegidda. Aqoonyahanka cilminafsiga/saykoolojistiga iskuulka wuxuu kaloo ka tirsan yahay kooxda u diyaargarowga marxaladaha adag ee iskuulka.

Kalkaalisada caafimaadka iyo macalinka dugsiga

Kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga waxay dhammaan ardayda siisaa fursad, ay arrin caafimaad darteed booqdaan isla markaana wadahadal la yeeshaan waxayna ku dhaqaaqdaa tallaalada waafaqsan barnaamijka tallaalada ee dalka Iswiidan.

Fursadda booqashada arrin caafimaadeed darteed waxaa la siiyaa laga bilaabo ardayda dhigata fasalka dugsiga xannaanadda, sannad-dugsiyeedyada 4:aad ilaa 8:aad, wuxuuna baaritaanka ka kooban yahay qaabka korriinka, kartida aragga iyo maqalka iyo baaritaanka dhabarka haddii loo baahdo.

Kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga waxay ardayda kala xaajootaa caafimaadkooda, xaaladda dugsi-dhigashadooda iyo qaab noololeedkooda. Dhakhtarka iskuullada wuxuu la kulmaa ardayda qiimayn caafimaadeed darteed wuxuuna hawlaha rugta daryeelcaafimaadeedka ardayda ku biiriyaa karti-xirfadeed dhinaca caafimaadka.

Hawlgallada kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga iyo dhakhtarka iskuullada waxay ku salaysan yihiin sare u qaadka arrimaha caafimaadka iyo kahortegid. Haddii la shaaciyo in ardayga u xannuunsan yahay waxaa loo gudbiyaa rugta daryeel-caafimaadeedka.

Bareyaasha iyo macalimiinta aqoonta gaarka leh

Bareyaasha iyo macallimiinta aqoonta gaarka leh waxay ku soo biiriyaan aqoon waxbarid qotan ee hawlgallada waxbarashada waxeyna kaalin ka geystaan qorshaynta guud ee hawlgallada Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda [Elevhälsan].

Wada-shaqayn dhow ayaa iyaga iyo macillimiinta kale ka dhaxayso oo ah sahminta iyo ciribtiridda cawaaqibta waxbarashada, qorshaynta iyo hirgelinta la
qabsasho dheeraad ah iyo tababar ardayda xeeladaha lagu barto iyo qorshaynta. Bareyaasha iyo macallimiinta aqoonta gaarka leh waxay badi ahaan leeyihiin door dhexe oo ah sahminta baahida ardayda u qabaan taageero dheeraad ah iyo dejinta barnaamij talaabo ka qaadis.

Bareyaasha iskuullada

Daaweeyaha cilladda hadalka waa qof xirfad leh oo ka tirsan Kooxda Xarumaha daryeelcaafimaadeedka ardayda ee dugsiga, waana qof agaasimaha dugsiga u dooran karo ama uu shaqada ku qori karo. Sidaas darteed, iskuullada idil ma laha Daaweeyaha cilladda hadalka oo u gaar ah.

Hawlgallada Daaweeyaha cilladda hadalka waxay ku salaysan yihiin in uu hawlahha waxbaridda ku biiriyo karti-xirfadeedka waxbaridda iyo in uu kaalin ka geysto qorshaynta guud ee hawlgallada Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda.

La taliyeha xirfadaha iyo waxbarashada

La taliyeha xirfadaha iyo waxbarashada waa qof taageeraha waxbarashada ah, kaalin-na ka geysta qorshaynta guud ee hawlgallada Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ardayda [Elevhälsan]. Wuxuu ardayga u suurtageliyaa ama kaalin ka geystaa sidii uu ardayga ugu dhaqaaqi lahaa kala xulashada xirfadaha iyo waxbarashada ee uu aad ugu fiirsaday, wuxuuna ardayda la yeeshaa wadahadal
dhiirrigelin ku salaysan kaasoo uu ku xoojiyo isku kalsoonaanta ardayga iyo kartida uu ku dhamaysan lahaa waxbarashada. Doorka kale ee La taliyeha xirfadaha iyo waxbarashada waxaa weeyaan in uu kaalin ka geysto hawlgallada iskuulka ee dhaqdhaqaaqa PRAO (jihaynta suuqa shaqada ee wax ku
oolka ah).

Haddii aad doonayso inaad xiriir la yeelato kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga iyo La taliyeha arrimaha bulshada ee ka hawlgalaan iskuullada Dowladda hoose ay maamusho, ka aqriso faahfaahinta xiriirka ee ku qoran barta internetka ee iskuulka arrinta khuseeyso.

so